Home Articles Somali Songs About us  

 


Wadaaddo Xanaaqsan!
W/Q Cabdullaahi M. Aadam
September 07 , 2009

"..siyaasaddii Soomaaliya waxaa lugta ku walaaqaya waayahan danbe wadaaddo xayraansan oo si waalli ah u xanaaqsan. Haddii la waydiiyo sababta ay u xanaaqsan yihiin, kuuma sheegi karaan wax aan caadifad dhaafsiisnayn."

Malaayiintii sano ee noloshu jirtay, aadanuhu waxa uu horumar la gaari waayay waa isticmaalka caadifadda. Sida ku cad taariikhda, aadanuhu wuxuu col la ahaa adeegsiga caqliga, waxaana ay ahayd qarnigii tagay  markii uu bani aadamku ku baraarugay halista ay caadifaddu leedahay iyo wanaagga caqliga. Wixii ka danbeeyay mudadaas, guud ahaan aadanuhu waxa uu u soo dhawaanayay dhanka caqliga, waana taas sababta horumarka loo gaaray intii xilligaas ka danbaysay. Hase yeeshee waxa weli ka jira qaybo ka mid ah dunida halgan adag oo u dhaxeeya caqliga iyo caadifadda.

Wadaaddada Cusub

Inta aynaan u guda galin farriinta uu maqaalkani xanbaarsan yahay, waxaan ku hormarayaa micnaha kooban ee erayga caadifad. Caadifaddu waa dareen adag  oo uu qofku dareemo sida: cabsida  jacaylka, nacaybka, farxadda, xanaaqa, iyo masayrka. Qofka ay caadifaddu hagto waxa la yiraahdaa noloshiisu ma xasisho. Waxa uu dhex dabbaashaa badwayn dareen ah oo hadba gabi ka tuurta. Arrintaas ayaana loo nisbayn karaa sababta dadka adeegsada caadifaddu ay daqiiqad gudaheed u xanaaqaan, haddana u farxaan!

Caadifadda waxaa lid ku ah caqliga, ujeedada caqliguna waa in uu fahmo qofku wax kasta oo nolosha la xariira. Caqligu dan kama galo dareenada kala duwan ee caadifadda laga dhaxlo. In yar oo bani aadamka ka mid ah ayaa adeegsada caqliga, inta badanina waxa ay dul hoganayaan ban cidlo ah oo ay caadifaddu dajisay.
 
Maqaalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa in aan wax kaga iraahdo dhibaatooyinkii aan ka dhaxalnay isticmaalka caadifadda. Ma qaldana qofka sabab uga dhiga guud ahaan burburka dalka ka dhacay adeegsiga caadifadda. Calaamadaha lagu garto dadka uu dareenku hago waxa ka mid ah in ay ku mashquulaan wax aysan fahmsanayn ama aysan dani ugu jirin. Haddii aan nahay qawmiyadda silicu ku haysto Geeska Afrika, waxaa nalagu sheegaa in aan si waalli ah u caashaqsannahay qabyaaladda. In qabiil la jeclaado, qabiil kalena la naco ayaa ah nacasnimada ugu wayn ee laga dhaxlo caadifadda. Caqliga shaqaynaya waxa uu wax iska waydiin karaa su’aalo badan oo ku saabsan qabyaaladda ay dadkeennu maanta caabudaan. Tusaale ahaan waxa uu qofku is waydiin karaa su’aalahan: nuxur ahaan qabiilku muxuu yahay? Maxaa caddayn ah ee loo hayaa in odayga lagu abtirsanayo uu qabiilku ka soo farcamay? Ilma adeeradaa iyo kuwa aad isku jifada tihiin maxay kaga fiican yihiin dadka kale? Iyo waa maxay sababta aan qabiilkayga  u taageerayo?.

Su’aalahaas iyo kuwo badan oo la mid ahi, waxa ay maskaxda fakareysa dhaxalsiiyaan in ay si dagan ku ogaato in adeegsiga caadifadda iyo taageerada indha la’aanta ah aysan waxba ku soo kordhinayn noloshan casriga ah ee caqliga  lagu hago. Runtii way badan yihiin waxyaabaha aynaan fahamsanayn ee caadifaddeena aad u saameeyay. Qof kasta oo Soomaali ah haddii la waydiiyo su’aashan: Waa maxay Jihaad iyo Wadaninimo ? Waxaa laga yaaba in uu la soo boodo  Daraawiishtii uu Sayidku hogaaminayay iyo kooxaha maatada ku laaya waddanka ayaa ah mujaahidiin iyo wadaniyiin. Marka uu qofku jawaabtan bixinayo ma adeegsanayo caqli ee wuxuu cuskanayaa caadifaddiisa iyo waxa uu dadka ka maqlay. Haddii qof fakaraya uu keeno fikrad ku baaqaysa in Soomaalidu ay u fiican tahay in ay beeraha qotaan oo xammaashaan si ay faqriga iyo dulinnimada uga baxaan intii ay jihaadi lahaayeen, malahayga si guud ayaan qofkaas fakeraya ula colloobi lahayn! Waxa taas keenaya waa fikradda shaqsigaas oo aan waafaqin nolosheenna caadifadda ku salaysan.
 
Marka loo kuur galo siyaabaha kala duwan ee caalamka looga nool yahay, waxaa kuu soo baxaya in qolo kasta iyo qawmiyad walba ay tashadeen. Waxa maanta dunida ka socda loollan adag oo aan waxba la iskula harayn. Tartanka nolosha loogu jiro waa mid arxan daran, qarniganina waa qarnigii danaysiga iyo in uu qof walba raadceeyo dantiisa gaarka ah. Nolosha sidaas u qallafsan waxaa lagaga dabbaalan karaa caqli qaan gaar ah oo garan kara dantiisa. Waa taas sababta adeegsiga caqligu uu mudnaanta koowaad u leeyahay. Soomalida maantu waa qowmiyadda kaliya ee aan danteeda garan, waxayna dul hoganayaan aragtiyo duug ah oo aan aayahooda ka talinayn sida jihaad aan la fahamsanayn iwm.
 
Erayga jihaad waa eray carabi ah, malaha af Soomali ahaanna waxaa u dhigma Halgan. Haddaba in su’aalo la iska waydiiyo jihaadka iyo halganka aynu maanta u baahannahay ayaa ah arrin gar ah oo awoodeenna maskaxeed aan ku tijaabin karno. Tusaale ahaan su’aalaha la is waydiin karo waxaa ka mid ah: Waa maxay jihaad? Maxaa loo jihaadayaa?  In la jihaado maxaa laga dheefayaa? iyo  halgan noocee ah ayaa maanta nala gudboon? Inteenna badan waxaa laga yaabaa in ay su’aalahaas jawaabta ay dadku ka bixiyaan tahay in daagaalka lala galo gaalada iyo Amxaarada uu jihaad yahay, waxaynu u jihaadaynaa in aan cadowga ka xoraynno dalkeenna, jihaadkana waxaan ka dheefaynnaa raalli ahaanshaha Ilaahay. Malaha sidaas fudud ayay dad badani ku jawaabi lahaayeen. Hase yeeshe qofka fakeraya wuxuu jawaabtiisa u dhiiban lahaa sidan: halganka Soomalida la gudboon xilligan waa in dalkooda ay xasiliyaan oo dantooda gaarka ahna gartaan, waa in ay la jihaadaan gaajada iyo amni xumada asaagood ka reebtay, waa in ay halgan u galaan adeegsiga caqliga!
 
Adeegsiga caadifadda waa lagu kala dheereeyaa, tusaale ahaan sida la sheego dumarka ayaa caadifadda aad u istcimaala marka la barbardhigo ragga. Sidoo kale qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahay ayaa siyaabo kala duwan u adeegsada caadifadda. Waxa la gaaray waqtigii aynu ogaan lahayn kooxda ugu caadifad adeegsi badan haddii aan nahay Soomaali. Malahayga, guud ahaan wadaaddada ayaa ah kooxda ugu caadifadda badan. Arrintaas ayaana ila ah sababta aysan marnaba u fahmi karin nolosha casriga ah iyo waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya. Laamaha kala duwan ee caadifadda waxaa ka mid ah xanaaq oo ah dareen aan marnaba caqliga la heshiin Karin. Way jiri  karaan wadaaddo aan badnayn oo aan caadifadda adeegsan, balse waxaa badan ragga inta cimaamadaha madaxyada ku duubtay, haddana daqiiqad kasta caraysan.

Wadaad Xayraansan

Sida aan la wada soconno, siyaasaddii Soomaaliya waxaa lugta ku walaaqaya waayahan  danbe wadaaddo xayraansan oo si waalli ah u xanaaqsan. Haddii la waydiiyo sababta ay u xanaaqsan yihiin, kuuma sheegi karaan wax aan caadifaddooda dhaafsiisnayn. Haddii loo kuur galo hab nololeedka wadaadada, waxaa kuu soo baxaya in noloshooda oo dhammi ay ka bilaabanto xanaaq kuna dhamaato ciil. Wadaadada cusubi waxay dadka ka eegaan boqolaal calaamadood oo kala duwan. Tusaale ahaan waxay u xanaaqsan yihiin wixii gaalo ah. Waxa ay sidaa si la mid ah ay u ciil qabaan cadow kale oo loogu yeero Shiico oo ay waajib tahay in la laayo si ka daran kan gaalada loo geysano. Intaas kuma eka ciilka ay qabaan ee waxa kaloo jira kooxo ay u bixiyeen suufiyaal oo ay bannaan tahay in laga sifeeyo muslimiinta maadama ay sida ay sheegaan ay mushrikiin yihiin. Intaas oo dhan waxaa ka sii daran xanaaqa iyo ciilka ay u qabaan kooxo kale oo fadaraysan, waana kuwa ay u yaqaaniin cilmaaniyiinta iyo munaafiqiinta. Haddii ay arkaan gabar qurxoon oo xarrago la tiicaysa, way qarxaan xanaaq dartiis  oo waxay nacladaan shaydaan la sheegay in uu gabadha suuqa u soo saaray.
 
Aad bay u adag tahay in dadka sidaas u xanaaqsani ay fakeraan. Waa dadka sidaas u ciil qaba kuwa maanta hormuudka u ah siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaliya. Nolosha oo dhan waxay ku eegayaan indho xanaaqsan iyo qalbi ciil qaba. Sida kaliya oo ay ku qanci karaan waa in dadka calaamadaha aan soo sheegnay oo dhan leh ay ka sifeeyaan dunida, waana howl adag oo aan lagu qaban karin qarniyo badan. Waa taas baan dhihi karnaa sababta ay had iyo jeer ugu jiraan jihaad aan dhammaad lahayn!
 
Ma ay oga in kala duwanaanshaha dadku ay nolosha u tahay qurux. Sidoo kale ma fahamsana in aysan macquul ahayn in ummad dhan ay isku si wax u aaminaan, wax u dareemaan, una labistaan. Dhaqamada kala duwan ee dunida ka jira ayaa ah halka ay ka soo fufaan xadaaradaha kala gadisan ee caalamka ka jira. Waxaa nacasnimo weyn ah in lagu mashquulo dhaqamada dadka iyo siyaabaha kala gadisan ee loo nool yahay. Waxa iyana doqonniimo ah in la xanaaqo oo dagaal aan dhammaad lahayn lagu jiro. Taas oo aan  waxba ka tarayn xaaladda naxdinta leh ee aan ku sugannahay. Haddii uu Ilaaha inna abuuray doonayo in dadku isku mid noqdaan, isagaa sidaa abuurtiisa ka dhigi lahaa.

Jihaadka Soomaaliya ka socdaa wuxuu ku bilowday laynta wax garadka, wuxuuna ku dhammaan doonaa in guud ahaan qawmiyada Soomaalidu ay ka cirib tiranto manadaqadda Geeska Afrika!  
Dhammaan inta fakeraysa waxaa marka la gudboon in ay ka wacdiyaan wadaaddada xanaaqsan ciilka ay la fakeri la yihiin. Guud ahaan wax garadka iyo inta jecel in qaranimadii dalku ay soo laabato waa in ay ogaadaan in ay adkaan doonto in  la helo siyaasad xasilloon oo dalka  lagu maamulo inta wadaaddada xanaaqsani ay siyaasadda lugta ku walaaqayaan. Wadaaddadu  ma qaldana ee waxaa qaldan kuwa dadkaas xanaaqu caqligu weydaarshay (wadaadda) talo waydiiyay!

Cabdullaahi M. Aadam
E-Mail:exmurux@hotmail.com

_____

Maqaallo la xidhiidha mawduuca:

* The Thinking Somalia

* Wadaad Fakeraya!

* Fulayada Fikirka

* Ganacsatada Aakhiro

* Wadaadadda Cusub: Colaaddeer Dami weydey & Cidhib Dambeedkeeda
_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com